Jeneraal Koronto oo ku hanjabay in Jawaabta ku haboon ay ka bixi doonaan Weerarkii lagu qaaday Jeneraal Tuuruyare

Jeneraal Maxamuud Macalin Koronto oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xabadihihii xalay lagu riday Baabuur uu la socday Taliyihii hore ee Hay’adda NISA, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare Cumada.

Jeneraal Maxamuud Macalin Koronto, Abaandulihii hore Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in uu ka ag-dhawaa Isgoyska Mirinaayada ee Degmada Cabdicasiis, markii lagu rasaaseynayay General Tuuryare.

Jeneraal l Koronto oo ka warramay shir jaraa’id oo General Tuuryare uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan wax wanaagsan ahayn in masuuliyiinta lagu arbusho wadooyinka.

“Ciidan haddii amar la siiyo waxaa la rabaa waajibka inay toos u aadaan, ma aha, inay dadka wadada maraya ama masuuliyiinta ahi ku xag-xagtaana,” ayuu yiri General Koronto oo xilal kala duwan ka soo qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Jananka ayaa yiri “Haddii arrintan loo bareerayna waa sidii loogu bareeray, haddii aan loo bareerin-na koley, koley Saraakiishii ku soo baxay arrintan ayaa ka mid ahaa, koley jawaabteeda iyo waqtigeeda ayaan ka bixin doonnaa, si adagna waa uga bixin doonnaa, haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Jeneraal Koronto.

Jeneraal Koronto ayaa darajada S/Guuto waxaa loo dalacsiiyay 20-kii bishii October ee sanadkii 2017Muddop  ka dib qaraxii dadka badani ku dhinteen ee 14-kii October  ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com