Jams Swon oo Cambaareeyay Weerarkii Hoobiyayaasha ahaa ee shalay lagu qaaday Xerada Xalane

Wakiilka Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii Hoobiyayaasha ahaa ee shalay lagu qaaday Xerada Xalane ee ku taala garoonka diyaradaha ee Muqdisho.

James Swon ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Gudaha xerada Xalane.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ee ka dhacay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri  Swan.

“Soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka ayuu hadalkiisa sii raaciyay James Swon.”

Hoobiyaashii shalay lagu tuuray Xerada Xalane oo ku taala garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Alshabaab in kastoo aysan soo sheegin khasaare ka dhashay lix Madfac nuuca Hoobiyaha ah oo ay shalay ku tuuren Xeradaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com