Jabuuti oo u Jawaabtay Dawlada Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Dalka Jamhuuriyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga niyad jabeen ugana xun yihiin in wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya uu jeediyo eedeymo iyo tuhun been abuur ah oo ah in Jabuuti ay ajende ka leedahay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Jabuuti.

“Aad ayaan u qiimeynaa waxa ay Soomaalia noosameysay. Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu yiri. Jabuuti

Dawlada Soomaaliya ayaa shalay Eedeeyn u jeedisay Dawladaha Jabuuti iyomKenya oo ku aadan in faragelin ay ku haayaan Soomaaliya

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com