Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Denmark ayaa si ween u soo dhaweeyay Madaxweeynaha cusub ee dhawaan ladoortay mudane Hassan Sheikh Mohamud oo markii labaad dib loo doortay.
Xaflada oo aheed mid siween loo soo qaban qaabiyay islamarkaana ay ka soo qeeb galeen qeeybaha kaladuwan ee bulshada ku nool dernmak ayaa duco iyo bogaadin hawada usoomariyay MD Hassan Sheikh Mohamud oo naqday madaxweynihii 10-naad oo mar kale dib loo doorto taarikhda Soomaaliya.
Dadkii kasoo qeebgalay xafladda ayaa intoobadan iskuraacay in dowlada lataageero si ay ugudato waajibaadka qaran ee horyaalo.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com