Itoobiya & Uganda oo isku raacay kordhinta howlgalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya

Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Kasaija waxa uu Kulan la qaatay Danjiraha Ethiopia u joogta Uganda, Alemtsehay Meseret, iyaga oo kulankooda uga wada hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Hawlgalka AMISOM
Kulankooda waxaa la sheegay inay sidoo kale kaga xaajoodeen Iskaashiga labada dal e dhinaca Difaaca, Hawlaha Samafalka ee Gobalka Tigrayga, Xiisadda Xuduudka ee Ethiopia iyo Sudan iyo Xaalladdaha ka taagan Mandiqada.

Warbaahinta Ethiopia ee FANA waxay sheegtay inay Labada Mas’uul ka wada xaajoodeen Hawlgalka Xoojinta Sharciga ee Gobalka Tigrayga iyo xaalladda taageeradda Aadminimo ee laga taageerayo dadka ku nool Gobalkaasi.
Danjiraha Ethiopia u joogta Uganda, Alemtsehay Meseret waxay sare u qaaday Muranka Xuduudka ee Ethiopia iyo Sudan, iyadoo ku eedeysay Dowladda Sudan inay ku xad-gudbayso Heshiis ay horey ugu heshiiyeen, si wada-xaajood loogu xaliyo Xiisadaasi.
Wasiirka Difaaca Uganda, Adolf Kasaija Mwesige oo isna ka hadlay Kulankaasi waxa uu soo dhaweeyey sida ay Dowlada Ethiopia u maaraynayso caqabadaha Gobalka Tigrayga, isagoo dhanka kalena taageeray dadaalka Ethiopia si Xal Nabadeed loogu dhameeyo Muranka Xuduudka ee kala dhexeeya dalka Sudan.
Wasiirka Difaaca ee Uganda iyo Danjiraha Ethiopia waxay kaloo sheegeen inay labadooda dal si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen Nabadda iyo Deganaanshaha Gobalka, iyagoo u sii maraya Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan dalka Somalia.
Labada Waddan waxay ka mid yihiin dalalka ay Ciiddamadda qeybta ka yihiin Hawlaha AMISOM.
Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Uganda waxay sheegtay inay labada dhinac ku heshiiyeen sidii loo xaqiijin lahaa Heshiisyada dhinaca Difaaca oo lagu xoojin karo iyadoo loo marayo Iskaashi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com