Itoobiya oo beenisay in ciidamo Soomaaliyeed ka qayb qaateen dagaalka Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa waxay beenisay in ciidamo Soomaaliyeed ka qayb qaateen hawlgalka militari ee ka soconaya gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaala ee Tigray.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa war aan sal lahayn ku tilmaamay warar sheegaya in ciidamo Soomaaliyeed ka dagaalameen gobolkaasi

Afhayeenka ayaa warsaxaafadeed uu Khamiistii soo saaray waxaa uu ku sheegay in horey ay u arkayn warar sheegaya in Ciidamada Eritrea ay gudaha u soo galeen Itoobiya, labada war-na ay been abuur yihiin.

“Waxaan aragnay warbixino ku saabsan Ciidamada Eritrea oo u tallaabay dhinaca Itoobiya.” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale yiri “Waxaan sidoo kale goobjoog ka nahay warbixino isku mid ah oo ku saabsan askarta Soomaalida oo si lamida uga qayb qaadanaya ololaha. Sheegashooyinkan labaduba waa kuwo been abuur ah oo aan sal lahayn.”

Hadalka Xukuumadda Addis Ababa ayaa jawaab u ah bayaankii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka, ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga dalbanayay in uu meel ku sheego waalidiinta ay ubadkoodu ka maqan yihiin.

Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay inaanan meel ku sheegin ubadkooda, oo sanadkii hore ay Dowladda Somaliya tababar ugu dirtay dalkaasi Eritrea.

Walaaca waalidiinta ayaa yimid, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in askar Soomaali ah lagu dilay dagaalka TIgray.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa Isniintii si adag u beeniyay in ciidan Soomaaliyeed ka dagaal galeen Gobolka Tigray.

“Waxaan halkan dowlad ahaan ka cadeyneynaa wararka kutiri kuteynta ee been abuurka ee mala awaalka ah ee laga dayayo siyaasadda iyo ganacsiga, ee ah in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar u joogga wadamada dibaddu ay ka dagaal galeen Waqooyiga Itoobiya, inaanay wax ka jiraa haba yaraatee jirin.

Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo ay Dowladda Itoobiya codsatay inay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray. Waxaan halkan ku cadeynaya sidoo kale inaanay jirin ciidan Soomaaliyeed oo inoo joogga dalalka inoo tababaraya oo u diray goob kaloo dagaal.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Dubbe ayaa intaa ku daray “Horey ayaa loo fidiyay dacaayado inay ciidan Soomaaliyeed ka dagaalameen Libya iyo Azerbaijan. Sidii ay u beenoobeen ayay kuwa Waqooyiga Itoobiya iyo Tigray-na aan ugu cadeyneynaa shacabka inay yihiin been iyo mala awaal.”

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com