Baraha internet-ka Twitter-ka iyo Facebook-ga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la soo dhigay qariidad muujinaysa Soomaaliya oo kala qaybinaayo
Qariidada oo markii dambe laga saaray baraha Internet-ka ee Abiy ayaa Somaliland looga dhigay midab wada cad oo isku furan ilaa badda, sidoo kale ka jaran Soomaaliya.
Qariidada la soo dhigay baraha Internet-ka Abiy Ahmed waxaa la socotay fariin ah “Xornimada Dadkayaga – Barwaaqo Umaddeena!”.
Fariinta Abiy oo ku qorneyd afafka Amxaariga, Oromada iyo Ingiriiska ayaa u qarneyd sidan hoose.
ነጻነት ለህዝባችን – ብልጽግና ለአገራችን!
Bilisummaan uummata keenyaaf – badhaadhinni biyya keenyaaf!
Freedom to our People – Prosperity to our Nation!.