Itoobiya inay soo rideen diyaaradii African Airways

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Midowga Afrika Amisom, ayaa looga hadlay baaritaanada ku saabsan diyaarad Ciidamada Itoobiya ay ku soo rideen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Airways ayaa waxa ay aheyd nooca yar yar ee 30 ruux qaada, waxaana ay waday shixnad dawo aheyd, balse intii aysan ka dagan Garoonka Diyaaradaha Bardaale ayaa lagu dhuftay Qoriga Suuga, waxaana ku dhintay diyaaradaasi lix ruux oo Somali & Kenyan isugu jiray.

Warbixinta Amisom waxa ay ku cadeeyeen diyaaradaasi inay soo rideen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn hawlgalka Amisom, waxaana Amisom ay sheegeen in Ciidankaasi ay ka shakiyeen jihada ay ka timid diyaaradaasi.

Qoraalka Amisom ayaa lagu sheegay Ciidamada ku sugan Garoonka Bardaale in aan lagu soo wargelin diyaaradda, sidoo kalana diyaaradda ay ka soo baxday jiho khaldan, Ciidankana ay uga shakiyeen diyaarad qarax wada oo rabta inay Garoonka bartilmaameedsato.

Ka sokow warbixinta Amisom ka soo baxday ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Itoobiya si bareer ah diyaaradaasi u soo rideen, haddii aynaan wax digniino ah siinin.