Israsaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Maanta Ka Dhacday Degmada Afgooye

Faah faahino dheeraad ah aya kasoo baxaya Israsaaseyn daqiiqado kooban socotay oo Ciidamo ka wada tirsan Maamulka degmada Afgooye ku dhexmartay gudaha Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dad la hadlay Iwarbaahinta ayaa u sheegay in israsaaseyntan dhacday ay ka dambeeysay, kadib markii Ciidamada dagaalamay ay ku murmeen lacag Canshuur ah oo laga qaadayay Guri ku yaalla Afgooye oo uu dhismo ka socday.

Guddoomiyaha Waaxda 21-ka Octoober ee degmada Afgooye Sakariye Dhibow ayaa ku dhaawacmay israsaaseynta ka dhacday degmadaas, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal Askari oo ka tirsan Maamulka degmada, kana mid ahaa Ciidanka dowladda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta ay dhacdada ka dhacday, isla markaana ka qaaday halkaas dhaawaca Guddoomiye Sakariye Dhibow iyo Askariga dhintay oo magaciisa lagu soo koobay Beeley.

Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin shaqaaqada Maanta ka dhacday degmadaas, mararka qaarkood ayaa waxaa Afgooye ka dhacda Israsaaseyn dhexmarta Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com