Israsaaseyn ka dhacday degmada Doolow & Taliye ku dhaawacmay

Israsaaseynta ayaa waxaa ay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ku dhex-martay Ciidamada Nabadsugida degmada iyo qaar kamid ah Ciidamada dowladda Soomaliya ay geysay degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay ka warheleen dagaalka u dhaxeeya labada Ciidan, waxaana ku dhaawacmay Taliyaha  Ciidanka Nabad sugida Doolow Xasan Cibaad iyo hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Ddaka degmada ayaa sidoo kale waxaa ay ku warammayaan in xaalada ay haatan tahay mid degan, balse ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta ka dambeeysa dagaalka dehx-maray labada Ciidan.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku baxay dhinacyada dagaalamay, waxaana haatan socota waan waan lagu dhex-dhexaadinayo labada Ciidan si dagaalka uusan u noqon mid dheeraada.

Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Doolow ayaan wlei ka hadlin dagaalka degamdaas ku dhex-maray Ciidamada dowladda Soomaaliya ay geeysay iyo kuwa Nabadsugida Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com