Israel oo oo duqeeysay Marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar dhinaca cirka ah ka gaystay Marinka Gaza, oo uu maamulo Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta.

Taliska Militariga ee Israel ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ay sheegeen in Xamaas ay u adeegsan jirtay sameynta gantaalada oo ku yaala Koonfurta Gaza.

Talisku waxaa uu sheegay in weeraradaasi ay qaadeen, ka dib markii Sabtidii shalay laba gantaal looga soo tuuray dhanka Gaza.

Bayaan ka soo baxay Taliska Militariga ee Israel ayaa lagu sheegay in weeraradaasi la qaaday, markii dadka reer Gaza looga digay inay ka fogaadaan goobahaasi.

Sidoo kale Ciidanka Dhulka Israel ee taangiyada ku hubeysan ayaa garaacay goobo ku yaala Waqooyiga Gaza.

Warbaahinta Xamaas ayaa baahisay in diyaaradaha iyo taangiyada Israel ay duqeymo ka gaysteen fariisimaha iyo xeryaha tababar ee halkaasi ku leeyihiin.

Illaa iyo haatan lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay duqeymaha ay Israel ka gaysatay qaybo ka mida marinka go’doonsan ee Gaza.

Sabtidii, laba gantaal oo laga soo riday dhinaca Gaza ayaa ku dhacay Xeebaha Magaalada Tel Aviv, mana jirin cid wax ku noqotay. Xamaas ayaana sheegin masuuliyadda gantaalahaasi.

Xaalad deganaansho ah ayaa ka jirtay Marinka Gaza, tan iyo bishii May ee sanadkii hore, ka dib markii xabad joojin laga gaaray dagaalkii kow iyo tobanka maalmood socday, ee u dhaxeeyay Xamaas iyo Israel. Labada dhinac ayaase mararka qaarkood gantaalo isweydaarsanayay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com