Koox hubeysan oo Falastiniyiin ah islamarkaana ku sugan marinka Gaza ayaa xalay madaafiic ku weeraray Israel, halka ay millatariga Israel ugu jawaabeen gantaallo ay la beegsadeen bartilmaameedyo ay Gaza ku leeyihiin ururka Xamaas.
Weerarada Gantaalanadaan ayaa imaneysa xilli ay ka sii dareyayso xiisad ka taagan bariga Quddus oo u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israel.
Inta la og yahay Lix Falastiinyiin ah oo ka mid ahaa dad ku mudaaharaadayay Bariga Quddus iyo afar askari oo Israeli ah ayaa ku dhaawacmay mudaaharaadkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Quddus.
Mudaaharaadyada ay dhigayaan dadka Falastiin ee Bariga Quddus ayaa sii xoogeysanayay tan iyo billowgii bisha Barakeysan ee Ramadan.
Ergayga Qaramada Midoobay ee Gobolka Tor Wennesland ayaa cambaareeyay rabshadaha, isaga oo sheegay in QM ay la shaqeyneyso labada dhinac si loo soo celiyo xasilloonida.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com