Iyadoo Caalamka oo idil saameyn xooggan uu ku yeeshay Cudurka Safmarka ee Covid19 ayaa markale dalkeena Soomaaliya waxaa ka jira kiisas cusub ee la xiriira Cudurkaasi oo lagu arkay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka Tirsan.
Isbitaalka Martiini oo ah Isbitaalka kaliya ee qaabila Dadka qaba cudurkaan ama isaga shakiya ayaa diyaargarow la xiriira qaabilada bukaanada qaba laga dareemayaa
Wariye ka tirsan warbaahinta aragti cusub ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha loogu talagalay in la jiifiyo ama la seexiyo Dadka bukaanada ah ee cudurkaasi safmarka ah qaba hase ahaatee, iyadoo shaqaalaha Caafimaadka Isbitaalka martini ay diyaar u yihiin in ay qaabilaan bukaanada qaba cudurka covid19 ayaa hadana shaqaalaha waxa ay u muuqdaan kuwo aan ku farax saneyn in saacado badan ay shaqada ku jiraan maadamaa culeysyo ay kala kulmeen kiisaskii hore ee Dadka lagu Jiifiyay isbitaalka kuwaas oo qaarkood laga keenay gobolada dalka
Bukaanadii qabay cudurka covid19 ee isbitaalka uu qaabilay ayaa qaar kood ka Caafimaaday halka kuwa kalena cudurkasi ay u geeriyoodeen.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Wasaarada Caafimaadka ay dadaal badan ku bixi doonto sidii Dadweynaha Soomaaliyeed looga wacyi gelin lahaa Cudurkaasi.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com