Iran oo dil ku xukuntay Muwaadin haysta Dhalashada dalka UK

Warbaahinta Dowladda Iran waxay shaacisay in Alireza Akbari oo haysta labada Dhalasho ee dalalka Iran iyo UK (dual Iranian-British citizenship) lagu xukumay Dil, iyadoo lagu soo oogay inuu Basaas u ah Hay’adda Sirdoonka UK ee MI6 (Military Intelligence, section 6).
Qoraal ay daabacday Wasaaradda Sirdoonka Iran waxay ku tilmaamtay Alireza Akbari inuu yahay mid ka mid kuwa ugu muhiimsan Shaqsiyaadka ku soo dhex dhuunta Xarumaha Xasaasiga iyo kuwa Istaraatiji ee ugu muhiimsan dalka Iran.
Alireza Akbari waxa uu in ka badan 3 sano ku xirnaa Xabsiga sida xoogan loo ilaaliyo ee Evin Prison oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Tehran, inkastoo ay warar sheegayaan in loo wareejiyey Xabsi kale oo lagu sii haynayo inta lagu fulin doono Xukunka Dilka.
Waxa uu Alireza Akbari soo noqday Wasiir- Ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ee xilligii uu xilka hayey Madaxweynihii Isbedel-doonka ahaa ee Maxamed Khaatimi, muddadii u dhexeysay bishii August 3-dii ee sanadihii 1997-kii ilaa bishii August 3-dii ee sanadkii 2005-tii.
Waxa kaloo uu jaal aad ugu dhawaa la ahaa Cali Shamkhani oo ah Xoghayaha Golaha Amniga Qaranka Iran.
Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibedda dalka Britain waxa uu ku booriyey Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran inay sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Alireza Akbari ee haysta Dhalashada Britishka.
Afhayeenka waxa uu hoosta ka xariiqay inay Muhiimada Dowladda UK tahay sidii degdeg loogu sii dayn lahaa Alireza Akbari iyo inuu helo Tas-hiilaadka dhanka Qunsulliyada.
Dhanka kale, Xaaska Alireza Akbari oo lagu magacaabo Maryam waxay sheegtay inuu Sarkaal ka codsaday iyada inay Saygeeda ku soo booqato Xabsiga Kulankii u dambeeyey ka hor inta aan Saygeeda la dilin.
Wax Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin eedeymaha gaarka ee lagu soo oogay iyo halka ay marayaan hawlaha socda ee Maxkamadayntiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Shabakada Wararka Nournews ee taabacsan Hay’adda Amniga ee ugu saraysa dalka Iran waxay soo werisay inay Maxkamadda Sare ayiday Xukunka Dilka ee lagu xukumay Alireza Akbari