Ingiriiska oo la safatay DF, kana hortimid qorshaha muranka dhaliyey ee Midowga Afrika

UK ayaa  ka hortimid qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo howlgal wadajir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika, sida uu dhowaan soo jeediyey Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika. 

Safiirka UK ee QM Barbara Woodward oo shalay khudbad ka jeediyey kulan uu Golaha Ammaanka QM ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa sidaasi sheegay.

 Aragtidooda ah  in taageerada amniga ee caalamka uu siiyo Soomaaliya ay noqoto mid la awoodi karo oo suurta-gal ah, ayna taageeraan u gudbidda hanaan amni oo Soomaaliya ay hogaamineyso, taasi oo qeyb ka ah Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (Somalia Transition Plan), marka ay baxaan AMISOM.

Waxay tahay in hanaanka howlgalka dhinacyada badan ee ka kooban Midowga Afrika iyo QM ee ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika uusan middaas ku guuleysaneyn,” ayey tiri Barbara.

UK ayaa garab weyn u ah dowladda federaalka oo horey ugu gacan seertay in howlgalka AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ah, islamarkaana dalka ka ceyrisay ku-xigeenkii eregyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, sababo ay arrintan qeyb ka tahay. 

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com