In kabadan 40 Ruux oo ku dhimatay musiibo ka dhacday xaflad diini ah

Tobanaan qof ayaa ku dhintay isbuurasho xaflad diimeed ka dhacday waqooyi bari Israa’iil.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ee Magen David Adom (MDA) ayaa xaqiijiyay dhimashada inkastoo aanay sheegin tirada saxda ah ee dadka geeriyooday, haseyeeshee mas’uuliyiinta gurmadka degdeg ah ayaa sidoo kale sheegay in tobanaan qof ee kale kale ay ku dhaawacmeen dhacdadaan.

Wargayska Haaretz ayaa sheegaya in ugu yaraan 44 qof ay dhimatay iyadoo adeegyada gurmadka degdegga ahna ay daad gureynayaan dadka dhaawacmay.

Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhacdada ku tilmaamay “musiibo culus”, wuxuuna sheegay “in uu u duceynayo” dadka ay wax yeellada ka soo gaartay.

Munaasabadda oo la yirahdo Lag B’Omer oo ka dhacday dhul-dhaca Buurta Meron, waa bandhiggii ugu ballaarnaa ee lagu qabto Israa’iil tan iyo markii fayraska corona uu bilowday.

Waxaa lagu soo warramayaa in munaasabadda ay ka soo qeybgaleen tobanaan kun oo qof, in kasta oo walaac laga qabo fiditaanka fayraska corona ee faraha ba’an ku haya dunida.

Tobannaan ambalaasyo ah ayaa ku sugan goobta, waxaana kooxaha gargaarka ku adkaatay in ay daad gureeyaan dadka ay waxyeelada soo gaartay, sidaa darteed booliiska ayaa dadka goobta ku sugan ka codsaday in ay isaga tagaan.

Saraakiisha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in 38 qof oo ay xaaladdoodu aad u liidato ay jiraan, iyada oo lix kale oo dhaawacyo halis ah qaba la daad gureeyay.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ee Magen David Adom ayaa sheegay in aysan marnaba quusan doonin ilaa iyo inta laga soo daadgureynayo dadka ugu dambeeya.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com