in kabadan 10-Carruur oo ku dhimatay dab qabsaday isbitaal dalka Hindia.

Hindia( A&C ):- 10-Carruur ah ayaa ku dhimatay qaybta Dhalmada Isbitaal ku yaalla Gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya sida ay sheegtay Warbaahinta dalkaas oo xog wareysatay qaar kamid ah waalidiinta carruurtaas.

Kalkaaliyaasha gacanta ku haya qaybtaan ayaa sameeyay dedaal lagu badbaadiyo qaar kamid ah carruurta balse waxaa la sheegay in ay ku guuldareysteen in ay deg deg u badbaadiyaan carruurtaas sida ay sheegeen eheladooda.

Da’da ugu weyn carruurtaas waa 3-bilood jir, halka qaar kale  dhallanayeen maalmo kahor sida uu sheegay Dhaqtar la hadlay Wakaaladda Wararka AFP Lama oga waxa sababay dabka ilaa & hadda, Qiiqa (uurada) ayaa cirka is qabsatay, waxaana Neef qabatimoobay Carruurta oo ugu dambeyn u geeriyooday neef la’aan ku dhacday, waxaana dabka markii dambe demiyay Shaqaalaheena” Sidaasi waxaa yiri Khandate.

Qaar kaid ah ehelka Carruurta ayaa dhankooda sheegay in arrintaan ay musiibo ku tahay, maadaama isbitaalka ay carruurtooda u dhigeen sidii ay u daweyn lahaayeen, balse daryeelkii ay u dooreen ay ku naftooda ku waayeen.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Rahul Gandhi ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu la muragooday dhibka gaaray dhallaanka, waxaana uu ku baaqay in laga feejignaado qalabka dab damiska ee yaalla Goobaha Caafimaadka.

Narendra Modi Ra’iisul Wasaaraha India ayaa musiibo ku tilmaamay arrintaan, waxaana uu soo jeediyay in la garab istaago waalidiinta carruurta ku dhimatay isbitaalka daryeelka loo geeyay balse dabka ka kacay uu sababay in ay neefta ku dhegto una dhintaan.

Kooxda dab damiska ayaa joojiyay in dabka uu ku faafo qeybaha kale ee isbitaalka iyadoo bukaanada kale loo wareejiyay amaanka.

Maxkamadda Sare India ayaa dhawaan soosaartay Warbixin la xiriirta badqabka Goobaha loogu talagalay in lagu hayo dadka la karaantiilay ee jirkooda laga helay xannuunka Covid-19, waxaana ay dalbatay in wax laga badalo amniga isbitaalka sabab la xiriirta dhacdooyinka loo gudbiyay awgood.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”