In ka badan 150 Muhaajiriin oo la soo badbaadiyey

Ciiddanka Ilaalada Xeebaha ee dalka Tunisia waxay maanta oo Sabti ah soo badbaadiyeen 150 Muhaajiriin oo ay dhowr Dooni kula degi gaartay Xeebaha dalkaasi.
133 qof oo ka mid ah Muhaajiriinta la badbaadiyey waxay ka soo jeedaan Jinsiyado kala duwan oo dalal Afrikaan ah.
Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ilaalada Qaranka Tunisia, Xasaamudiin Al-jabaabili    waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka fashiliyeen 5 Isku-day Tahriib oo ay Muhaajiriinta ku doonayeen inay kaga gudbaan Sohdin-baddeedka dalka Tunisia.
Inta badan Muhaajiriinta sharci-darada ee Doonyaha kaga tahriiba Xeebaha dalalka Libya iyo Tunisia waxay badankooda naftooda ku biimeeyaan Badda Mediterranean Sea, si ay u gaaraan Xeebaha dalalka Galbeedka Qaaradda Europe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com