in ka badan 10 Ruux oo Abaaro Ugu geeriyooday gobolka Jubada Dhexe

11 qof ayaa aya lagu soo waramaya in ay u geeriyoodeen abaaraha ka jira gobolka Jubada Dhexe ka dib markii ay sii kordheeyaan biya la’aanta ka jirta degaano badan oo ka Tirsan Jubaland.

Waxaa sidoo kale sii kordhaya saameynta iyo waxyeellada abaaruha ay Keeneen , Waxana jira qaylo dhaan xooggan ay kasoo yeereyso deegaano badan oo ka Tirsan Jubooyinka.

Gudoomiyaha gobolka Jubada Dhexe ee maamulka Jubaland Haajir Bille Sugaal ayaa ka hadlay xaalada Abaareed ee Jubada Dhexe waxana uu sheegay in degaano badan oo ka Tirsan Jubland ay ka jiro Abaar galaafatay nolashada Dad iyo Duunyo waxaana uu ku baaqay in loo gurmado Dadka Abaarha ku dhamaanaya ee degaanada gobolka Jubada Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com