IMF oo Ansixisay kaalmo lacageed oo la siinayo Soomaaliya

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixisay kaalmo lacageed  oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono taas oo gaaraysa $0.97 milyan oo dollar Mareykanka ah, kaalmadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee qaantu la degtay oo Soomaaliya kamid tahay.

Kaalmadan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya.

Guddiga fulinta ee hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixiyay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono taas oo gaaraysa $0.97 milyan oo dollar Mareykanka ah, kaalmadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee qaantu la degtay oo Soomaaliya kamid tahay.

Kaalmadan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay IMF, Bankiga Adduunka iyo Soomaaliya.

25 Maarso 2021 ilaa 24 Maarso 2022 ayaa kaalmadan dhaqaale socon doontaa muddadaas ayaa Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com