Imaamyada Masaajidada oo loogu baaqay in ay ka qayb qaataan wacyi gelinta Covid19

Waxaa sii  kordhaya tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Xeel dheerayasha  caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, isla markaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

Dr Maxamed Maxamuud Fuje ayaa ugu baaqay Khadiibyada iyo imaamyada masaajidda inay ka qeyb qaataan ka hortagga faafidda cudurka Covid-19 iyo kala fogaanshaha dadka.

“ Khadiibyada masaajida iyo culimada waxaan ka rabnaa in ay qeyn ka qaataan xakameynta Cudurka covid-19, maadama masaajida dad badan isugu yimaadaan, aniga warkeyga waa cad yahay runtaa sheegay,” yuu yiri Dr Maxamed Maxamuud Fuje.

Si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan waa in ay dadka waajib ka dhigtaan xirashada Maaskaraha iyo in ay si joogta ah gacmaha isaga dhaqaan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com