IGAD oo Taageertay shirka Dhuusamareeb

Urur Goboleedka IGAD ayaa Taageeray Islamarkaana soo dhaweeyay  horumarka Dowladda Federaalka ay ka gaartay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho waafaqsan Habka caalamiga ah, waxaana ay ku booriyeen  dhammaan dhinacyada Siyaasdaeed ee Dalka  in ay ka qeyb qaataan Hanaanka doorasho ee dalka 

IGAD ayaa  soo dhoweeyay dadaalada Dowladda Federaalka ay ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Madaxda Maamul goboleedyada dalka oo qayb  Ka ah Dawlada Federaalka Soomaaliya Taasi oo ku aadan  sidii loo gaari lahaa wax la wada ogol yahay  y , gaarista nabad waarta iyo midnimo qaran;

“Waxaan bogaadinaynaa wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ay garwadeenka ka yihiin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isulwasaarae Abiye Axmed, waxaanan rajaynaynaa in ay nasoo gaaraan warbixinada ku saabsan horumarka ay guddiyada farsamo ka sameeyeen wadahadalka ee ku aaddan xal waara”.

Urur goboleedka IGAD ayaa boggaadiyay AMISOM, iyo wadamada kale  ay ciidamada ka jogaan Soomaaliya  iyo Ciidadamada  Xoogga Dalka Soomaaliya, khatarihii ay qaateen iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen, iyaga oo si joogto ah uga qayb qaataan Xasiiloonida Dalka iyo nabad galyada Dalka