Hogaanka Ahlusunna Galmudug oo Garoowe lagu soo dhaweeyay

Sheekh Shaakir Cali Xassan oo ka Tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka Titsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta  gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wefdiga oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay arroornimadii hore ee saaka safar dhulka ah kaga soo jarmaadeen sida ay warbaahinta ay  u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

socdaalka mas,uuliyiintaas  ayaa ku soo beegmay xilli maalmahan uu Garoowe ku suganyahay Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan islamarkaana la hadal-hayo in uu safar dibadda ah u baxayo inkastoo aan weli la xaqiijin dalka uu tegi doono.

Hoggaanka ururka Ahlusunna oo in ka badan 12-sannadood ka xukumayay  gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com