Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Partay oo sheegay in Dawlada Federaalka ay dayacday Amniga shacabka Muqdisho

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Partay ayaa si kulul uga hadlay Weerarkii Hotel Afrik ku qaadeen Alshabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Qoraal uu bartiisa Face Buugga soo dhigay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayuu ku Eedeeyay Dawlad Federalka Soomaaliya in ay dayacday shacabka ku nool Muqdisho oo aysan xil iska saarin sidii Amnigooda ay u sugi layahyd.

Hogaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa qoraakiisa face Buugga baaq ugu diray Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay iyaga isku tashadaan oo ay is difaacaan sida uu yiri’ CC Warsame.

“Waxaan canbaaraynayaa weerarkii ay kooxda argagexisada ah maanta ku qaadeen Hotel Afrik. Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah, Allahana badbaadiyo inta weli go’doonsan. Ma jiro Hotel Muqdisho ku yaala oo ka badbaaday weerar argagexiso. Waxaa muuqata in aysan jirin cid hortaagan argagexisada oo halkii ay doonana beegsan karaan. Ma jiro hoggaan dawlad oo la isku haleeyo. Reer Muqdisho waa in ay isku tashadaan oo ay silican ka baxaan. Maangal maaha in maalin walba maydka haldoorkeena ka tacsiyeyno, dhaawaca gurano, burburka hantideena daawano.”

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com