Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradsan Villa Somalia, ayaa sheegay in Sharciga Doorashooyinka ay ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamanku uu dhigayo Doorasho dadban.
Qoraal uu soo saaray islamarkaana bartiica face buugga uu soo dhigay ayaa u qornaa sidaan
โSharciga Doorashada ee uu Baarlamaanka ansixiyey waa sharci dadban, wuxuuna dhigayaa in kuraasta ay sidoodii, reerihii iyo jufooyinkii hoose u kala leeyihiin. Caqliga wuxuu keenayaa in cid aan ahayn reerkii iyo jufadii kursiga lahayd aysan ka codaynin, taasina waa doorasho dadban, laakiin la doonayo in shaati doorasho qof iyo cod ah loo geliyo.โย Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Hoggaamiya Xisbiga Wadajir, wuxuu sheegay in Sharcigaasi muranka badan dhaliyay uu ku salaysanyahay Hannaanka 4.5, sidaasi darteedna uu dhigayo Doorasho dadban oo loo geliyay Shaati Doorasho qof iyo cod ah.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sidoo kale ย sheegay in waxa hadda Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ka wada- hadlayaan aysan ahayn Doorasho qof iyo cod ah, balse ay ka wada-hadlayaan Doorasho dadban oo wakhtigeed ku dhacda iyo Doorasho dadban oo Shaati qof iyo cod xiran, islamarkaana lagu xalaalaysto mudda kordhin taasina ay Qalalaase dalka gelinayso.
โMa jirto cid doorasho qof iyo cod ah haysa ee miiska waxa saaran waa doorasho dadban, waxaase la isku hayaa doorasho dadban oo xilligeeda ku dhacda iyo doorasho dadban oo shaati qof iyo cod ah loo xiray, laguna xalaalaysto muddo kordhin, taasina ay Dalka xasilooni dari iyo qalalaase u horseeda.โ
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com
ย