Hogaamiyaha Xisbiga wadajir oo ka sheekeeyay Arin la yaableh oo ku qabsatay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur oo ah Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Partyoo dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho ayaa ka Warbxiyey Safarkiisa iyo Wuxuu Garoonka Diyaaradaha kula kulmay Xili ay soo degayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Qoraa uu bartiisa Face buugga soo dhigay ayaa u qornaa sidaan: 

Waxaan kusoo Nabad  noqonay Muqdisho, safar qaatay toddobaad oo aniga wafdigayga ku kala bixinnay Galmudug iyo Puntland. Waxaan fursad u helnay in aan la kulano madaxda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada labada dowlad Goboleed. Waxaan kaloo fursad u helnay in aan safar dhulka ah ku marno inta u dhaxaysa Dhuusamarreeb iyo Garowe.

Muqdisho markii aan maanta ku soo noqday, waxaan soo degey iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe soo degey, Madaxweyne Deni uusan weli soo degin. Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaannadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho. Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah.

Ciidankii NISA, Haramcad iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii. Way muuqataa in safiirku uu dammaanad qaade yahay, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen. Galabta Garoonka gacan ku hayn dawladeed kama jirin, waxaana masuuliyadeeda leh cidii sababtay in ciidanka dawlada laga aamin baxo.

Waxaa kaloo iyana cad in sida ay haatan u muuqato ay saamilay muhiim ah miiska go’aanka ka maqan yihiin, waxaanse ku kalsoonnahay in labada madaxweyne ee  yimid aysan miiska tegi doonin iyada oo uu kooramku dhammaystirmin.

Qolada u baahan in ay maanta cashar qaadato, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com