Hogaamiyaha AlShabaab oo Hanjabaad u diray Jabuuti

Amiirka Guud ee Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubaydah ayaa hanjabaad cusub u jeediyey danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti.

Abu Cubaydah ayaa hadal ay daabaceen warbaahinta Al-Shabaab ka jeediyey hanjabaad ah weeraro keli-duul ah oo ka dhan ah danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti.

Hadalkiisan ayaa yimid iyadoo Jabuuti ay 9-ka bisha Abril isku diyaarinayso doorashooyinka madaxweyne.

Dawlada Jabuuti weli kama aysan jawaabin hanjabaadda uga  Al-Shabaab.

Jabuuti waxay ka mid tahay waddamada ciidanka usoo diray Soomaaliya.
Sodoo kale  milatariga Maraykanka oo saldhig ku leh Jabuuti ayaa sheegay inay ka war heleen hanjabaadda Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com