Heestii Ugu Shidneyd Dhalinyarada iyo Wasiir Goodax oo Fasiraad ka bixiyay

Wasiirka Waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka Falceliyey oo Boggiisa  soo dhigay fariin uu ku bogaadinayo dhalinyaro soo qaaday hees aad looga hadal hayay baraha bulshada.

Heesta oo ay soo Qaadeen dhalinyaro ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa Wasiir Goodax Barre wuxuu ku tilmaamay inay tahay mid Xigmadaysan.

Waxaan dhageystay heestan xikmadda badan xambaarsan oo ay dhallintu hibadooda kusoo bandhigayaan dareenka maskaxdooda ka guuxaya. Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waxay qeyb ka yihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxaan u baahannahay in aan u jiheysanno dhanka wacyigelinta iyo dhiirragelinta ubadkeena.” Ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Erayadda Heesta ay dhalinyaraddu soo qaadeen ayaa waxay ka turjumayaan Xaalada dalka iyo Culaysyadda Shaqqo la’aanta ee ka jirta dalka.

“Wadanku shaqo maleh, Haloo yeelo ,  Dhalintu shiidee maa nala shuufo.  Jeebku Shilin maleh , Haloo buuxsho, Shahaadadu Macno ma leh ee ha shaqayso”.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com