Hay’addaha Amniga Puntland oo sheegay in ay Fashiliyeen Qaraxyo laga geysan laha Boosaaso

Saraakiisha Ciidanka PSFta Puntland , ayaa sheegay Fashiliyeen weerar Qaraxyo ah oo la doonayay in laga fuliyo  magaalada Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay PSF, ayaa lagu sheegay in Ciidanku fashiliyay Qaraxyo Al-shabaab ku diyaarinayeen gudaha Magaalada Boosaaso.

Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso” ayaa lagu yiri Qoraalka.

waxayna ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland.”ayaa la raaciyay qoraalka ka soo baxay Ciidanka psfta Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com