Hay’addaha Amniga muqdisho oo qabtay rag ku eedeysan Burcadnimo

Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Yaaqshiid ayaa gacanta ku soo dhigay seddex kamid ah rag lagu eedeeyay inay kamid yihiin Burcadda Hubaysan kuwaaas oo dhac ka geysanaayay isla Degmada Dhexdeeda.

Eedeysanyaasha labo kamid ah waxaa ay kukala hubeysnaayaan tooreeyo iyo Bistoolado caag ah, halka midka kalana uu wade ka ahaay mootada ay adeegsanayeen .

War kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Sharciga la hor geenayo  ayna kamid noqonayaan Burcada hubaysan ee horay Ciidanku Booliska usoo qabteen.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Shacabka magaalada muqdisho waxaa ay ka cabanayeen rag hubeysan oo badi xilliyada habeenkii ah dhac u geysanaya, kuwaas oo qaarkood la qabtay qaar kalena lagu raad joogo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com