Hay,adda WFP oo la siiyay Abaalmarinta Nobel-ka Nabadda ee sannadka 2020

Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda ee sannadka 2020 waxaa la siiyay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay WFP dadaaleeda ku aaddan la dagaallanka Gaajada.

Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in WFP ay u dhaqantay sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac.

Abaalmarintan ayaa qiimaheedu yahay 10m oo karoon Iswiidhish ah (£ 864,200; $ 1.1m).

guulaystaha 101aad ee ku guuleysta abaalmarintan waxaa looga dhawaaqay machadka Nobel ee Noorweey ee Oslo.

Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay inay ahayd daqiiqado lagu faano. WFP waxay ku qiyaastay in ay caawiso qiyaastii 97 milyan oo qof sanadkii, oo ku kala sugan 88 dal.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com