Hay’adda Socdaalka oo Bilowday Tababar la xiriira baarista Dukumeentiyada Safarka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa tababar la xiriira hubinta iyo Baarista Dukumiintiyada safarka ka bilowday qaar ka mid ah xuduudaha dalka, taas oo lagu xoojinayo aqoonta Saraakiisha Hay’adda ee ka howlgala xuduudaha.
Tababarka ayaa waxaa bixinaya saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee xarunta dhexe, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan saraakiisha Hay’adda ee ka howlgala xuduudaha Ceelbarde, Tuur-dibi iyo Garoonka Garowe ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Saraakiisha ayaa lagu kor tababarayaa shaqada oo socoto.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadda ay u leeyihiin baarista dukumiintiyada, isla markaana ay awood u yeeshan ka hortagga dambiyada socdaalka ee ka dhaca xuduudaha dalka.
Bar-xuduudeedka Ceelbarde iyo Tuur-dibi ayaa kamid ah xuduudaha dhulka ee laga soo galo dalka, iyadoo saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay hubinayaan isu socodka dadka iyo Gaadiidka ee xuduudda.

Xafiika Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com