Hay,adda Caafimaadka Norwey oo ka digay in uu sii faaho Cudurka Coronovirus.

Oslo, Hay,adda Caafimaadka Norwey (Helsedirektoret) ayaa ka digay sii faafida dadka qaba Cudurka Coronovirus.

Saraakiil ka tirsan Hay,addan oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in uu sii kordhayo dadka qaba cudurkaan.

Waxaa ay sheegeen in 25% bulshada Norwey dhici karto in uu saameeyo coronovirus.

Hay,adda ayaa hadalkeeda raacisay in la xiri doono Iskoolada iyo xarumaha xanaanada caruurta hadii la dareemo qataro cudurkaan la xiriira.

Ilaa iyo 10-ruux ayaa ilaa iyo haatan loo diiwaangaliyay in ay qabaan Cudurka Coronovirus.

https://www.nrk.no/norge/helsedirektoratet_-_-opp-mot-25-prosent-av-befolkningen-kan-bli-smittet-1.14920455

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com