Hay’adaha Amniga ee Dawlada ooXalay dhagaxyo dhigay Bartamaha Isgoyska Dabka

Hay,adaha Amniga ee Dawlada Federaalka ayaa xalay dhagaxyo ku xiray  bartamaha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Baabuurta isticmaasha  wadada Maka Al-mukarrama ayaa toos uga gudbi kara isgoyska dabka, isagoo aan u leexan karin dhanka isgoyska Bakaaraha ama dhanka kale ee xarunta degmada Waaberi, hadii uusan ku socon seedka xiga.

Isgoyska Dabka ayaa ah mid Isgoysyada  ugu mashquulka badan oo baabuurta ay ku  xayirmaan, iyadoo ay joogaan ciidamo Taraafiko ah

Talaabada Dhagaxyada loogu jaray Isgoyska Dabka ayaa ku soo aadeysa iyadoo ka dib qarax ismiidaamin ah uu shalay ka dhacay nawaaxyiga  isgoyska Sayida Halkaas oo ku yala koonatrool laga Ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxii shalay ayaa sababay Bur Bur hantiyeed iyo dhaawacyo soo gaaray Dad shacab ahaa oo ka agdhawaa Halka uu Qaraxa uu ka dhacay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com