Hay’ad ku Eedeeysay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidanka Dawlada ay laaluush ka qaataan Dadka shacabka ah

Hay’ad la dagaallanta musuqmaasuqa Soomaaliya oo daraasad ka sameysay heerka musuqa Soomaaliya ayaa sheegtay in musuqmaasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya.

Daraasaddan cusub oo ay sameysay hey’adda Marqaati ayaa muujineysa in qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan 50 boqolkiiba dadkii ay la hadashay hey’adda ay sheegeen inay bixiyeen laaluush sanadkii lasoo dhaafay.

Afar iyo toban boqolkiiba guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya ayay daraasaddu muujineysaa inay laaluush bixiyeen, halka qaarkoodna ay toddobaadkiiba mar bixiyaan.

Inta badan lacagahan laalushka ah ayaa la sheegay in la siiyo ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ciidamada maamul goboleedyada iyo Al Shabaab ayaa daraasaddu muujineysaa inay meel sare kaga jiraan liiska.

Hey’adda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Marqaati waxaa kale oo ay sheegtay in musuqa uu aad ugu badan yahay meelaha ay ka talliyaan maamul goboleedyada

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com