Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ka bilowday degaano ka Tirsan gobolka Hiiraan

Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka bilaawday dhaqdhaqaaqyo Ciidan  iyo abaabulka bilaabida wajiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Macawiisleyda iyo maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa kullan  kula yeeshay tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee Ciidanka Macawiisleyda ee ka dagaalamayay bilooyinkii la soo dhaafay gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka macawiisleyda oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey in heshiis la sheegay in ay gaareen Al-Shabaab iyo beeshooda balse haatan diyaar u yihiin hawlgalka wajiga labaad  ee Al-Shabaab looga saarayo dalka isla markaana haatan ay doonayaan in Al-Shabaab ka saaraan Gobolka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo kullanka ka hadlay  ayaa xusay in ay wadaan qorshe  lagu soo afjaro Al-Shabaabka ku sugan bariga Gobolka Hiiraan  isla markaana u gudbi doonaan  Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com