Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay qiray inay jireen ciidamo dheeraada oo Sabtidii la geeyay dhismaha Barlamaanka oo lagu waday inuu ka qabsoomo kulan ajandihiisa la isku khilaafay.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in kulankii maanta ee baaqday dib loogu dhigay Arbacada iyadoo uu sidiisii yahay go’aankii dhawr iyo xildhibaan looga joojiyay ka qaybgalka shirrarka golaha shan fadhi.
Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux oo kamid ah nidaamiyayaasha Barlamaanka ayaa ka waramay sababta loo baajiyay kulankii maanta iyo walaaca xildhibaannada qaar ee ahaa in ciidamo dheerada Sabtidii la geeyay dhismaha Barlamaanka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com