Haweeney kufsi u geesatay  74-caruur ah  oo maxkamad xukuntay+ Sawirro.

 

Haweenay u dhalatay Israa’iil ayaa lasoo taagay maxkamad kutaala magaalada Jerusalem, waxa ayna haweeneydan wajaheysay dacwado la xariira in ay kufsi u geesatay  74-caruur ah .

Maxkamada lasoo taagay Malka Leifer, oo 54-sabo jir ah ayaa xaqiijisay in haweeneydan kufsiga caruurta lagu eedeeyay in aysan qabin cudurka dhimirka oo horey looga shakiyay in ay qabto.

Garsooraha maxkamad ku taala magaalada Jerusalem, ayaa sheegay in dhamaan la raacay tallooyinka ama fikradaha khubarada caafimaadka ay ka hor sheegeen maxkamadda horteeda inta aan la ridin xukunka.

Maxkamada ayaa ogolaatay in haweeneydan laga musaafuriyo Israa’iil lana geeyo dalka Australia oo dambiga ku gashay, waxa ayna haweeneydan maamule ka aheyd iskuul kuyaala magaalada Melbourne .

Garsooraha ayaa dhagaysiga dacwadda ka dhigay 22 July 2020, isaga oo sheegay in qaybaha kale ee kiiskan lagu dhagaysan doono dalka Australia, waxa ayna haweeneyda dambiga lagu helay beenisay eedeemaha loo soo jeediyay.