Haweeney Farteeda ku waysay Gacan ka hadal goordhaw ka dhacay Masjidka Towfiiq ee Oslo.

Oslo, Sida Booliska Oslo xaqiijiyeen laba dumar ah ayaa dagaal xoogan waxa uu ku dhex maray Masjidka Soomaalida ee Oslo.

Haweenkaan ayaa la sheegay in muran dhex maray kadibna meesha ka bilowday in gacmaha iskula taagan.

Booliska ayaa bartooda Twitter-ka ku xaqiijiyay in mid ka mid ah haweenkaas laga qaniinya looga jaray  mid ka mid ah faraheeda gacmaha isla markaana uu dhiig badan ka baxay.

Haweeneyda dhaawaca la gaarsiiyay ayaa iminka lagu daweynayaa xarun Caafimaad oo ku taal Oslo.

Christian Krohn Engeseth oo ah sarkaalka Howlgalka Booliska ayaa tilmaamay in haweeneyda la dhaawacay da,deeda tahay 30-jir halka haweeneyda dhibka geysatay ee 50-jir tahay.

Waxaa uuna tilmaamay in haweeneyda 50-jirka haatan xabsiga la dhigay.

Ilaa iyo hada ma jiraan Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan sababaha dhab ahaan muranka keenay.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

https://www.nrk.no/osloogviken/slasskamp-i-moske_-kvinnes-finger-bitt-av-1.14896140

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com