Golaha Musharraxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in ay joojiyeen dibadbax ay qorsheynayeen in ay maanta ku qabtaan Magaalada Muqdisho kaddib markii in ciidamo la geeyaygoobtii dibad baxa ay ku qaban lahayeen ee taalada Daljirka Daahson.
Banaan baxa ayaa la filayay in uu maanta ka dhaco fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, oo ah goob caan ku ah isu soo baxyada. Mucaaradka iyo xukuumadda federaalka ayaa isku fahmi waayay arrimo farsamo oo la xiriira mudaharaadkan. Shir ay Habeen hore magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharraxiinta Mucaaradka ayaa ku dhammaaday fashil.
Labada dhinac ayaa isku Eedeeyy in sabab u yahay khilaafka ay ku kala boodeen.
Hal qodob oo la isku waafaqi waayay, sababna u ah in uu mudaharaadka dhici waayo ayaa ah cidda sugeysa amniga
Shir jaraa’id oo ay galinkii dmabe ee shalay Muqdisho ku qabteen qaar ka mid ah Musharraxiinta – oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed – ayey ku sheegeen in ay baajiyeen dibadbixii loo ballansanaa Sabtida maanta ah kaddib markii dowladdu ay ciidamo hubeysan geystay Daljirka Dahsoon.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shirka jaraa’id ayaa sheegay : “Dood dheer kaddib annaga iyo xukuumadda waan ku heshiinnay in bannaan baxa la dhigo, way aqbaleen. Halkaas ayadoo ay taagan tahay, amnigiina aan ku wareejinnay, annagana qabanqaabadeennii caadiga ahayd aan ku jirno a waad ka war qabtaan Daljirka wuu xiran yahay. Ma aha Daljirka kaliya balse magaalada oo dhan baa xiran.”
Xasan sheikh ayaa dowladda ku eedeeyay in ay “xero ciidan ka dhigtay” Daljirka Dahsoon ee ay doonayeen in ay mudaharaadka ku qabsadaan.
“Lambar afar ka billow ilaa waqooyiga Muqdisho meesha ugu dambeysa magaaladu way xiran tahay. Ciidan ayaa lagu daadiyay waddooyinkii ayaa la xiray. Daljirka ciidan badan ayaa la dhoobay, xero ciidan ayaaba laga dhigay Daljirkii bannaanbaxa loo qabanqaabinayay,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in in ay baajiyeen mudaharaadkii la filayay, ayna dib kasoo sheegi doonaan xilliga mudaharaad kale la isugu imaanayo.
Wuxuu intaas ku daray in iyagu ay sugi doonaan amniga mudaharaadka.
“Madasha murashaxiintu waxay go’aansadeen in dib loo dhigo mudaharaadkii, lagana shaqeeyo xilli ay soo goynayaan murashaxiintu, amnigana iyagu ay sugayaan. Dadka abaabuleyaasha, taageerayaasha, shacabka Soomaaliyeed dhammaantood waxaan uga mahad celineynaa dadaalka iyo dhabar-adeyga ay qaadeen arrintaas.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso go’aanka ay mucaaradku ku baajiyeen dibadbaxii ay qorsheynayeen.
Wasiirka Amniga ee dowladda Soomaaliya, Xasan Xundubeey Jimcaale, ayaa sheegay in dowladdu ay markii horeba dooneysay in uusan dibadbaxaasi dhicin.
“Dowladdu iyadoo tixgalineysa caafimaadka iyo in amnigu dhibaato badan ka imaan karto markii horeba ra’yegeedu wuxuu ahaa inaan mudaharaad loo baahneyn, oo xoogga iyo xoolaha aan mudaharaad galineyno loo baahan yahay inaan gelinno oxygen inaan kusoo gadanno. Walaalaheen maanta waxay ku dhawaaqeen in ay mudaharaadkii joojiyeen, aad iyo aad ayan usoo dhaweyneynaa,” ayuu yiri Wasiirka.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com