Hal qof oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magaalada Qardho

Wararka an ka heleyno Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu hal RRuux ugu geeriyooday Cuudrka safmareenka ah ee COVID-19.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warameen in geerida halka qof ay timid kadib markii loo waayay Oxygenkii ama Neef siiyihii dadka Neeftu qabato lagu xiri jiray si ay u helaan Hawo macmal ah.

Waraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dad kale oo aad u liitay iyana loo qaatay dhinaca Isbitaalka Magaalada Garoowe, kadib markii Isbitaalka Magaalada Qardho uu ka dhamaaday Oxygen, isla markaana cudurka uu weli kajiro degmadaas.
Puntland ayaa dhowr jeer soo sartay go’ano la xiriira ka hortaga faafitanka Cudurka COVID-19, kuwaas oo badi an dhaqan gelin, iyada oo Wasaaradda caafimaadka Puntland ay sheegtay inay wado qorshooyin kale oo looga hortagayo faafitanka cudurka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com