Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay gudddoomiyaha Golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Ugu horreyn Rooble ayaa Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyey codka kalsoonida ah ee ay shalay siiyeen xildhibaanada golahaasi.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka, Arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen.
“Waxaan Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay shalay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen golaha shacabka ayaa shaqada ugu horreysa ee u taalla waxa ay tahay inuu si deg-deg ah ku soo dhiso golihiisa wasiirada, si uu u horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Mudane Rooble oo heysta muddo kooban ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu muhiimsan-tahay fulinta heshiiskii laga gaadhay doorashada soo socota ee 2020/21.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com