Gudoomiyihii Ururka Naadafada Koofur Galbeed oo la dilay

Guddoomiyihii Ururka Dadka Baahiyayaalka Qaba (Naafadda ah) ee  Koonfur-galbeed Somalia , Marxuum Shariif Mukhtaar “Jiis” ayaa xalay lagu dilay Xero ay ku jiraan Dadka Barakacayaasha oo ku taalla magaalladda  Baydhabo.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaana la sheegay inay dileen Marxuumka oo xilligaasi ku sugnaa Gurigiisa , sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Koofur Galbeed , Xasan Cabdi Maxamed “Ugaas Xasan” waxaauu ka tacsideeyey dilka Marxuumkaasi.

Qoraal uu Wasiirka soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay inay isaga iyo Marxuumka shalay kula kulmeen Xarunta Wasaaradaasi, isla markaana ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa Dadka Baahiyaha Gaarka qaba ee ku nool Goballadda hoos taga Maamulka KGS.