Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubland oo ku geeriyooday Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka jubada Hoose

Qaraxaasi ayaa Waxaa ku geeriyooday Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin iyo Dad kale oo shacab ah

Gudoomiye Shaafi iyo Dadka kale ee shacab ka ah ayaa geeriyooday ka dib markii qof Isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa uu Isku qarxiyay Albaabka hore Masjid ku yaala Magaalada Kismaayo Salaadii Jimcaha ka dib.

Dhinaca kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Juland ayaa looga geerida Marxuum shaafi Raabi Kaahin

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa Sidaan

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu Allah uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana dadka dhaawaca ah uu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaafi Raabi Kaahin uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah isla markana lasoo qaybsaday duruufo adag isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka.

Wuxuu xusay Madaxweynahu in dhagarta Argagixisada iyo nacaybka ay u qabaan dadka Muslimka ah ay cadayn dhab ah ay u tahay sida ay maanta dadka Shacabka iyo Masuuliyiinta ah ee kasoo baxay Salaada Jimcaha ay ugu beegsadeen afaafka hore ee baydka ilahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay Dhabaha ay dadka Reer Jubbaland iyo guud ahaan ummada soomaaliyeed ku doonayaan inay Nabad iyo xasilooni helaan aanay ka leexin doonin falalka naf la caarinimada ah ee ay ku kacayaan Argagixisadu.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com