Alle u naxariiste waxaa waxaa caawa lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir lagu dilay Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.
Kooxo hubeysan ayaa dilay Marxuumka xilli uu kasoo baxay salaadda Cishaha gudaha degmada wadajir ee gobolka Banaadir.
Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxihii dilka u geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka Ammaanka.
Alle ha u naxariiste gudoomiyaha la dilay ayaa dhawaanahaan ku sugnaa magaalada muqdisho waxaana loo aaneynayaa in ay lug ku yeelan karto siyaasadac is diidan ee iminka kajirtoguud ahaan gobolka hiraan.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com