Gudoomiyihii Degmada Afgooye oo Xilka laga qaaday Mid kale oo Cusubna la magacaabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed , ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, Ibraahim Cumar Qaasim.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka, oo ku taariikhaysan 10/10/2020, ayaa xilka looga qaaday Guddoomiye Ibraahim Cumar Qaasim, kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa Guddoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye u magacaabay Aweys Cabdullaahi Cumar.

Wasiirka ayaa sidoo kale faray Mas’uuliyiinta Degmada Afgooye iyo Shacabka in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com