Gudoomiyhii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Perfasor Jawaari oo Isbitaal la dhigay

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Xaalada caafimaad gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la dhigay Isbitaal ku yaala Muqdisho.

Qaar kamid ah dhakhaatiirta Isbitaalka iyo ehelada  Maxamed sheikh Cusmaan jawaaari Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in  la dhigay isbitaalka yardameli oo ay la tacaalayaan xaaladda Caafimaad ee Jawaari, iyadoo uu ku jiro qeybta xaaladaha deg dega ah ee loo yaqaano ICU-da (Intensive Care Unit)

Qeybtan dadka la geeyo waxey badanaa qabaan xaaladaha daran sida; Blood Pressure-ka qofka oo dhaca, Naqaska oo ku xirma, garaaca wadnaha oo yaraada iyo qofka oo Koomo gala sida ay dhaqaatiirta Caafimaadka u sheegeen warbaahint madaxa banaan

Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in Prfasor Jawaari uu ka xuun san yahay sambabaha , taasoo keentay inuu xalay ku hoyanayo Isbitaalka Yerdimeli ee ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolkan Banaadir.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waa 76 sano jir, laba jeer ayuu soo noqday gudoomiyaha baarlamaan, Waxaana uu qorshihiisa ahaa in markale uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya .

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com