Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Fasaxday dhammaan shaqaalaha Dawlada Sababo la xiriira Xuska Nabigeena Muxammed( NNKH)

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay fasax hal maalin ah siiyay dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa lagu shaaciyay in dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ay fasax yihiin maalinta Khamiista ah ee ku beegan 29-ka bishan October 2020.
maalinta khamiista ayaa sidoo kale ku beegan 12-ka bisha Mowliid ee Taariikhda Islaamka, taas oo sannad kasta la xuso Dhalashada Nebi Muxamed, waxana Qoraalka Wasaaradda lagu sheegay in Shaqaalaha loo fasaxay, si loo muujiyo Qiimaha iyo Qaddarinta ay maalintaasi u leedahay.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta kale ugu hambalyeysay Xuska Dhalashada Nebi Muxamed, inkastoo ay jiraan Muslimiinta qaar aan xusin maalintaas.


Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com