Gudoomiye Muudeey iyo Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo ku kulmay

Madaxweynaha Maamulka Koofur Goboleedka Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan la yeeshay  Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo arimo kale.

Warar kale ayaa  sheegaya in Guddoomiye Muudey uu Madaxweyne Lafta-gareen ka codsady  in uu qeyb ka nqaato  sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada

Arintaan ayaa imaaneyso ka dib markii Guddoomiye Muudey uu shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, wuxuuna xalay Xarunta Madaxtooyada Maamulka uu kula kulmay Madaxweyne Lafta-gareen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com