Gudoomiye Mursal oo xildhibaano ka mamnuucay ka qayb galka 5 fadhi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa 15 xildhibaanoo ka tirsan Golaha shacabka  ka joojiyay ka qeybgalka 5 kal fadhi.

Warqad uu soo saaray guddoomiye Mursal ayaa lagu sheegay in mudanayaashan ay horjoogsi ku sameeyeen fadhigii shalay qabsoomi waayay.

Xildhibaanada laga joojiyay ka qeybgalka 5 fadhi ayaa sheegay in kulanka looga hadlayo Covid-19 ay ku hoos qarsoon tahay muddo kororsi loo sameeynayo  Hay,adaha dowladda.

Kulankii ay shalay isugu yimaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu kala dareeray kadib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga.

Xildhibanada laga Mamnuucay ka qaybgalka 5 fadhi ayaa kala ah:

  1. Cilmi Maxmed Nuur
  2. Xuseen Qaasim Yuusuf Iidow
  3. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow
  4. Cabdullaahi Maxamed Nuur
  5. Mahad Maxamed Salaad
  6. Cabdirisaaq Cumar Maxamed
  7. Maxamuud Cabdiraxmaam Beene Beene
  8. Maxamd Cali Cumar
  9. Faysal Cabdulle Guuleed
  10. Cabdullaahi Yuusuf Xasan
  11. Cabdirishiid Maxamed Xidig
  12. Jibriil Cabdirashiid Xaaji
  13. Maxamed Axmed Abtidoon
  14. Sadiiq Xirsi Warfaa
  15. Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare)

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com